Ujeeddooyinka 2018-01-09T08:52:41+00:00

Ujeeddooyinka UDHIS

Ururka Dhaqdhaqaaqa Iskaashatooyinka Soomaaliyeed waa Urur Dimoqraadiyad iyo cadaalad ku dhisan, wuxuu kulmiyaa dhammaan Iskaashatooylnka Soomaaliyeed nooc kasta oo ay yihiin, waxayna hawlihiisu noqonayaan kuwa soo socda:

 

  • Daryeelidda, badbaadinta iyo horumarinta danaha xoogsatada Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaana Xubnaha ku bahoobay Ururka Iskaashatooyinka UDHIS.

 

  • Kobcinta dhaqaalaha Iskaashatooyinka, hoggaaminta iyo kormeeridda qorshaha wax-soo-saarka, isu-dheellitirka bedeecadda iyo maal-gelinta sanadaha soo socda, si Iskaashatooyinka xubnaha ka ah Ururka UDHIS ay u gaaraan isku-filnaansho degdeg ah.

 

  • Adkaynta Maamul-wanaagga Iskaashatooyinka, kor-u-qaadista garaadka siyaasadda, aqoonta, teknoloojiyada iyo xirfadda Shaqaalaha Iskaashatooyinka.

 

  • Wuxuu Ururku u fidinayaa Iskaashatooyinka tababaro gudaha iyo dibaddaba, wuxuuna raadinayaa Amaahyo Maal-gelin si ay sare ugu qaadaan wax-soo-saarkooda, iyo sidoo kale deeqo dhaqaale ee kaabaya kharashaadka ka geli kara tacab-gelintooda gudaha.

 

  • Wuxuu Ururku u sameynayaa Iskaashatooyinka Xeer-hoosaadyo abaal-marinaya ama ganaaxaya Iskaashatada, si loo adkeeyo cadaaladda, xaq-soor wax-ku-’qeybinta iyo daryeelka xuquuqda shaqaalaha Iskaashatooyinka.

 

  • Wuxuu diiwaan-gelinayaa dhammaan Iskaashatooyinka iyo hantidooda, wuxuuna kormeerayaa hab-sami-u-fulinta hawlaha Iskaashatooyinka ee ku saleysan Xeerarka, Qorsheyaasha iyo Hiigsiga u degsan Ururka UDHIS.

 

  • Wuxuu dib-u-habayn ku sameynayaa Iskaashatooyinka hawshooda gudan waaya, asagoo u magacaabaya Saraakiil soo baara sababaha keenay hakadka iyo dib-u-dhaca Iskaashatadaa, dabadeedna wuxuu Ururka ku xalinayaa caqabadaha jira xeerarka u degsan UDHIS.
  • UDHIS wuxuu Iskaashatooyinka wakiil uga yahay arrimaha dibadda iyo maamul-goboleedyada dalka.