Mabaadi’da udub dhexaadka u ah UDHIS
Waxaa sal dhig u ah is-caawinta, isku-xil-saarid, dammaanad, daahfurnaan, dimuqraadiyad, fursado siman, sinnaan iyo midnimo.
Xubnaha wadashaqeeya waxay aaminsan yihiin Alaah iyo xeerka anshaxa ee ay dagsadeen, furfurnaanta, masuuliyada bulshada iyo daryeelka dadka kale. Mabaadi’da iskaashatadu waa tilmaamo ay wada-shaqeeyayaashu qadariyaan , waxyaabaha iskaashiga ah iyagoo raacaya mabda’a iskaashatada.
Iskaashiga ka dhexeeya iskaashatada si loo sii wanaajiyo danahooda waa inay kasbadaan bulshada si firfircoonna ay ula shaqeqeeyaan hay’adaha kale ee degmada, gobol iyo qaran