HIIGSIGA UDHIS 2018-01-09T08:40:50+00:00

HIIGSIGA UDHIS

b. Ururka asagoo ka shidaal-qaadanaya Barnaamijyada dhaqaale-kobcin ee Dalka ee lagu horumarinayo wax-soo-saarka, ayuu u tayeynayaa una habeynayaa Iskaashatooyinka qaab-dhismeed casri ah oo la jaan-qaadi kara barnaamijyada dhaqaale-kobcin ee Aduun-weynaha.

t. UDHIS si uu u gaaro hiigsigiisa wuxuu isku baadi-goobayaa xubnihiisa hore Isagoo ka faa’iideysanaya waaya-aragnimadooda, hantidiisa (guurtada & ma-guurtada) ee kala lumay.

j. UDHIS asagoo rumeysan in saldhigga horumarinta bulshadda uu yahay tacabka wax-soo-saarka, wuxuu waajib iskaga dhigayaa kordhinta wax-soo-saarka beeraha, kalluunta, xoolaha, farshaxanka iyo warshadaha yaryar, iwm