SAL-DHIGIDA UDHIS
Waxaa la Sharciyeeyey oo Ia aasaasay Ururka Dhaqdhaqaaqa Iskaashatooyinka Soomaaliyeed (UDHIS) 8dii Janaayo 1978, ayadoo lagu saleynayo Sharcigii Iskaashatooyinka ee Sharci Lr.40 ee soo baxay 4tii Oktoobar 1973, kadibna laga sii ambaqaadayo Sharcigii xigay ee dib-u-eegista ee Sharci Lr.41, ee 8dii Oktoobar 1979 iyo midkii Sharcigii dambe ee lagu horumarinayey ee ahaa Sharci Lr.9 ee 18.03.1980.
Iskaashato: waa Urur Dhaqaale-Bulsho-Wax-soo-saar, oo kaalin buuxda kaga jira kobcinta iyo dhismaha dhaqaalaha dalka. Waana Urur ay ku mideysan yihiin kuna bahoobeen saamiley iyo xirfadley oo maskaxdooda, maalkooda iyo muruqooda maalaya, Ururkaas oo ku dhisan mabaadi’da guud ee Iskaashatooyinka Aduunka oo ah: b) Xubinmo xor ah; t) Ilaalinta Xaqsoorka, Codeynta iyo Maamulka (Hal qof, Hal cod); j) Xaddidaada Dulsaarka Hantida; iyo x) Qeybinta Faa’iidada si Cadaalad ah (kuna salaysan saamiga).
Ururka Dhaqdhaqaaqa Iskaashatooyinka Soomaaliyeed waa Urur Dhaqaale iyo Bulsho ee ugu sarreeya Iskaashatooyinka dalka, waxaana ka hoos farcama 6 (lix) Urur-Iskaashatooyin oo kale ah:
- Iskaashatooyinka Beeraha;
- Iskaashatooyinka Kalluumaysiga;
- Iskaashatooyinka Xoolaha, Keymaha iyo Xijiga;
- Iskaashatooyinka Gaadiidka iyo Dhismaha;
- Iskaashatooyinka Warshadaha iyo Farshaxanka;
- Iskaashatooyinka Isticmaalka iyo Adeegga
Waxaa kale oo Ururka UDHIS Xubin ka noqon kara, Iskaashato kasta ee dalka ka dhisanta, ee soo buuxisa shuruudaha iyo xeer-hoosaadka u degsan Ururka UDHIS. Waxaana laga qeyb-gelinayaa dhammaan qeybaha kala duwan ee dalka Soomaaliya.