SHIR JARAA’ID

//SHIR JARAA’ID

SHIR JARAA’ID

:- Shir jaraa’id

Ururka Dhaqdhaqaaqa Iskaashatooyinka soomaaliyeed waxuu ka cabanayaa dhul boob lagu haayo hantidiisa iyo in loo diidan yahay shaqada loo idmaday in uu qabto kuna kormeero iskaashatooyinka xirfadleyda

  1. Wasaaradda gadiidka iyo duulista hawada waxey bur burisay dhamaan adeegyadii bulshada u hayeen iskaashatooyinka gadiidka waxeyna ku badalatay dano qaas ah oo hadii loo baahdo keeni karno cadeyn buuxda
  • Waxey bixiyaan xubnaha iskaashatada gaadiidka lacag tirismitiraale ah oo sadax biloodle ah kaas oo marki aad muqdisho ka jaratid ku eg socodkiisa siinka dheer marki aad dhaaftid waxaa lagu amraa in ay bixiyaan lacag kale oo tirismitiraale ah (koonfur galbeed) oo la eg inti muqdisho ku bixisay.
  • Xiligaan oo ay taariikhu tahay 23/04/2018 waxaa taagan in taargadii laga bixiyay magalada muqdisho aan lagu mari Karin deeganada maamul gobaleedyada kale sida Koonfur Galbeed Soomaaliya oo hadda gaadiid ku xayiran magaalada baydhabo
  • Howlahaas oo lagu dhibaateenayo xubnaha iskaashatada gadiidleyda iyo rakaabka saran gawaarida waxaa wada shabakad isku xiran oo ka kooban wasaarada gadiidka faderaalka iyo wasaaradda gadiidka koonfur galbeed soomaliya qaasatan shaqsiyaad in muddo ah ku dhax jiray howlahaas kuna naaxay dhaqaalaha sharci darada ah .
  1. wasaaradda gadiidka badda iyo dakadaha waxey boob cad ku heysaa hantidii ururka dhaqdhaqaaqa iskaashatooyinka soomaaliyeed iyo howlihii shaqo ee loo idmaday ,
  • hantidii ururka wasaaradda waxey kula shirkoow day ganacsato ah oo 27 sano ee burburka ku tijaaray dhiiga iyo hantida umadda soomaaliyeed.
  • Dhamaan teen waxaan ganacsato una qaan dadka keeno badeecadaha shacabkana ka gato ama wax soo saarka dalka dhoofiyo , magaran karno waqti loo fasaxay in ay maamulaan howlaha doowladda waxna ka qabtaan

 

 

  1. Wasaaradda beeraha iyo waraabka waxey si toos ah oo aan ganbasho laheyn uga hor timid go’aan kii golaha wasiirada ay gaareen 18/02/2016 oo lagu howl galiyay ururka dhaqdhaqaaqa iskaashatooyinka soomaaliyeed .
  • Wasiirka beeraha hadda xiligaas waxuu ahaa 18/02/2016 wasiirka xaanada xoolaha dhirta iyo daaqa , go’aan kaas golaha wasiirada waxaa hor geeyay sideed wasaradood oo asaga qeyb ka ahaa malinti la ansaxinaayay .
  • Waxaa nasiib daro ah go’ aan kii uu wax ka ansaxiyay inuu ka horyimaaddo , hada asagoo ah wasiirka beeraha ufududeeyo hey’adaha FAO & WFP in ay magacyo iskaashatooyin beero aanan jirin lagu bixiyo qalab iyo tasiilaad kale.

 

  • Wasaaradaha aan wada shaqeynta leenahay oo sida hufan inoola shaqeeyay oo an u mahad celineeno waxaa ka mid ah

 

  • Wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha
  • Wasraadda xaananada xoolaha dhirta iyo daaqa
  • Wasaaradda howlaha guud iyo dib udhiska dalka
  • Wasaaradda kaluumeysiga iyo kheyraadka badda
  • Wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada
  • Wasaaradda arimaha dibadda

 

  • Baaq

 

  • Ra’iisul wasaaraha dowladda faderaalka soomaliya mudane Xasan Cali Kheyre
  • Labada aqal ee baarlamaanka faderaalka soomaaliya
  • Madaxweynaha jamhuuriyadda faderaalka dalka mudane Mxamed C/laahi Farmaajo

 

Ururka dhaqdhaqaaqa Iskaashatooyinka soomaaliyeed waxuu ugu baaqayaa in la badbaadiyo hantida uu leeyahay iyo in loo gacan banaaneeyo howlihiisa shaqo eek u xusan sharci L. 41 08/oct/1979 iyo  sharci L.9 18 /03/1980 iyo xeer Ra’iisul wasaare 00927 18/02/2016  ee dib loogu howl galiyay Ururka Dhaqdhaqaaqa Iskashatooyinka Soomaaliyeed , si loo helo hormar iyo dhaqaale loogana baxo shaqo la’aanta dalka ka jirto

Mudane : cadceed cismaan shuuriye

Guddoomiyaha UDHIS

By | 2018-04-26T09:55:45+00:00 April 26th, 2018|Media|0 Comments